
Ku soo dhawoow TEORIGA.se. Haddii aad ku hamineyso in aad qaadato laysanka baabuurka (körkort) waxaad timid goobta saxda ah. Waxaan diyaarinay su’aalo muhiim ah oo kaa caawin doona in aad soo baasto imtixaanka teoriga ee ay qaado dowlada.
TIJAABI 5 SU’AALOOD EE UGU HORAYSA!
Su’aalaha aan ku diyaarinay waa kuwo lagu turjumay Af-soomaali iyo Swedish si aad u fahanto macnaha su’aalaha isla markaana aad u qabato erayada muhiimka ah ee aad imtixaanka ku arki doonto. Waxaa sidoo kale lagu sharaxay su’aalaha Af-Soomaali oo lagu faahfaahiyay. Qaar badan oo ka mid ah su’aalaha aan halkaan ku hayno ayay u badantahay in aad imtixaanka ku arki doonto.
SI JOOGTO AH AYAAN SU’AALO CUSUB UGU SOO DARAYNAA…!